Makka
Makkah
Mecca/Makkah Makka Makkah al-Mukarramah/ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ | |
---|---|
File:Meccamontage.jpg Ka soo biloow kor bidix: Kacbada, dabaqyada dhaadheer ee Makka, Abraj al Bayt, masjid al-Xaraamka iyo tukashada Xajka. | |
Nickname(s): Ummu al-Qura ("Hooyada Deegaanka") | |
Dalka | Sacuudi Carabiya |
Deegaanka: | Gobolka Makkah |
Wakhtiga: | 1980 C.H (Ciise Hortii) |
Dowlada | |
• Dadkii dhisay: | Nebi Ismaaciil wiilkii Nebi Ibraahim |
Area 760 | 850 km2 (330 sq mi) |
• Land | 1,200 km2 (500 sq mi) |
Tirada dadka ((2010)) | |
• Dhammaan | 1,675,368 |
• Cufnaanta dadka | 2,200/km2 (6,000/sq mi) |
Aag saacadeed | UTC+3 (UTC) |
• Xagaa (DST) | AST (UTC +3) |
Website | https://www.holymakkah.gov.sa/ |
Koodhka wicitaanka: (+966) 2 |
Makka Mekka Makkah Makkah al-Mukarama (ingiriis: Mecca; carabi: ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ; af-Soomaali: Mako[1]) waa caasimad ku taala Xijaas, iyo magaalo-madaxda Gobolka Makka ee dalka Sacuudi Carabiya. Magaaladani waxay dhacdaa 70 km (43 mi) waqooyiga magaalo-xeebeedka Jidah, dooxo godan dhexdeed taasi oo bada ka sareysa 277 mitir.[2] Maadaama Kacbada ku taalo magaaladan isla markaana ay tahay xaruntii u horeeysay ee diinta Islaamka waxay caasimada Makkah leedahay malaayiin dad (inta u dhexaysa 6 milyan ilaa 8 milyan)[3] ah oo soo siyaarta sanad kasta wakhtiga gudashada Xajka ee ku beegan 12ka Dul-Xijah; iyo wadar isku-geyn oo ka badan 15 milyan oo dad ah sanad kasta.[4] Tirada dadka deegaanka joogtada ku ah magaalada Mako waxaa lagu sheegay isku-celcelis 2 milyan sanadkii 2012ka.[5]
Guud ahaan, caasimadan Makko waa hooyga uu u dhashay Nebi Muxamed (c.s.w),[6] deegaankii ugu horeeyay ee lagu soo dejiyo waxyiga Qur'aanka[7] kariimka ah, magaalada xuddunta u ah diinta Islaamka, iyo meesha meesha uu ku yaalo masaajidka barakaysan ee Kacbada taasi oo ah jihada loo tukado dhamaan Salaadaha.[8]
Caasimada Makkah waxaa wakhti aad u dheer maamulaayay qaraabada iyo qoyska Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee loo yaqaano "Shariifis"ka.[9] Laakiin markeey taariikhdu ahayd sanadkii 1925tii Dawladda boqortooyada wadanka Sacuudi Carabiya ayaa la wareegtay maamulka iyo gacan ku heeynta magaalada Makko, kuwaasi oo ilaa hada haya hogaanka iyo tallada caasimadan. Maamulka boqortooyada Sacuudigu aad ayuu u dhisay magaaladan, wuxuuna balaadhiyay dhismaha iyo baaxada ay ku fadhido Makko. Dhismayaasha wakhtigan lagu daray magaalada waxaa ka mid ah Abraj al Beyt oo ah dhismaha 3aad ee ugu dheer dunida iyo kan ugu weyn baaxada fadhi ee dunida.[10]
Isku soo duuboo, magaalada barakeysan ee Makkah waxaa iskugu yimaada dad ka badan 15 milyan oo muslimiin ah wakhtiyada kala duwan ee sanadka, taasi oo ka dhigtay caasimadan mida ugu isa-socodka badan dunida. Intaasi waxaa dheer magaalada Makkah looma ogola ineey tagaan ama dhex galaan dad aan muslim ahayn.[11]
Magaalada Makkah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Makkah (Carabi مكة , Makkatul Mukaramah, مكّة المكرمة. Waa magaalada oo ku dhashay Nabi Muxamed S.C.W. waxa ayna ku taalaa wadanka Sacuudi Carabiya. Makkah waa meesha uu Xaramka ku yaalo, waana magaalada muslimiinta ugu Muhiimsan.
Taariikhda
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Taariikhdii Hore
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Makka waxaa xukumayay Nabi Ismaaciil iyo wiilashiisa ilaa ay kala wareegeen qabiilka Jurham oo ay Makko xukumayeen muddo dhan 21-qarni kadibna ay kala wareegeen qabiilka kale ee Khuzaaca ayaguna ay xukumayeen sadex qarni ilaa uu soo baxay ninka loo yaqaan Qusayi bin Kilaab oo ah awowga shanaad ee Nabiga (csw) markaa uu ku qabsaday Khuzaaca xukumka Makko ilaa uu ka qabsaday kadib markuu Khuzaaca dagaal la galay.
Hadaba markuu Qussayi la wareegay hogaanka Makko oo ahayd sanadkii 440-kii Ciise dabadi ayuu maamulka Makko si buuxda u galay gacanta Quraysh gaar ahaana Qussayi, markuu qabsaday wuxuu Quraysh u qaybiyay maamulka qabiil walba qaybtiisa wuuna badalay dhamaan wixii hore loo yaqaanay waxaan ka ahayn wixii uu diin u arko aan la badali karin kadibna wuxuu dhisay guriga loo yaqaan Daaru-nnadwa oo ka dhigan sida baarlamaan oo kale talada arrimaha waawayn lagu gooyo .
Qussayi wuxuu hogaamin jiray Daaru-nnadwa sidii madaxwayne sidoo kale wuxuu xiri jiray calanka dagaalka oo calan lama taagi jirin la’aantiis sidoo kale waxaa gaar u ahaa furaha Kacbada oo uusan albaabkeeda furi karin nin aan isaga ahayn isaga ayaana ka shaqayn jiray Kacbada iyo arrimaha Sanabada sidoo kale waxaa gaar u ahaa waraabinta xujayda oo ah in dadka xujayda ah loo dhigi jiray qabaallo waawayn oo biyo zamzam lagu qasay timir iyo zabiib looga buuxin jiray arintaan oo ay u arkeen sharaf wayn waxaa iska lahaa Qussayi sidoo kale waxaa gaar u ahaa marti galinta xujayda oo ayaduna sharaf wayn ka dhigan. Waxaa soo dhan Qussayi ayaa gacanta ku hayay taladiisa iyo xeerarka uu dajiyayna intuu noolaa iyo markuu dhintayba waxaa loo ilaalin jiray sidii diin oo kale.
Hadaba Makko iyo qabiilka Qureysheed inkastoo aysan ahayn dawlad wayn ama ciidan iyo dhaqaale wayn leh, hadana waxay ahayd saldhig diineed oo carabtoo dhan ay ku fiiriyaan il ka haybaysanaysa,waxkasta oo Makko lagu soo gooyo carabtu waxay u arkeen wax aan la khilaafi karin sidoo kale Makko waxay ahayd meesha carabtu ay xajka u yimaadaan sidaan soo marnay.
Sidaa darteed waxay noqotay magaalo ganacsi oo macna wayn ugu fadhida Carabta inteeda kale waxay kala xukumi jireen khilaafaadka carabta dhex yimaada arrimahaas oo Makko u muujinaya sidii maamul dawladeed oo kale mana jirin shisheeye kor ka maamula sida maamulada carabta kale taasoo reer Makko ka dhigtay dad xor oo madaxbannaan oo qadarin wayn ku leh carabta dhexdeeda, sidaas ayaana Qureyshtu gacanta ugu hayeen ilaa Nabiga (csw) laga soo diray.
Dhaqanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Wakhtigii Nebi Muxamed
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Boqortooyooyinkii Islaamka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sacuudi Carabiya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Juquraafiga Makko
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cimilada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Xajka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Maqaalo La Mid ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Xigasho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "ingiriis: Mecca; carabi: ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ; af-Soomaali: Mako"
- ↑ "Mekka Makkah Makkah al-Mukarama"
- ↑ "Kacbada ku taalo magaaladan isla markaana ay tahay xaruntii u horeeysay ee diinta Islaamka waxay caasimada Makkah leedahay malaayiin dad"
- ↑ "magaalo-madaxda Gobolka Makka ee dalka Sacuudi Carabiya"
- ↑ "Xajka ee ku beegan 12ka Dul-Xijah; iyo wadar isku-geyn oo ka badan 15 milyan oo dad ah sanad kasta"
- ↑ "Makko waa hooyga uu u dhashay Nebi Muxamed (c.s.w)"
- ↑ "lagu soo dejiyo waxyiga Qur'aanka kariimka ah"
- ↑ "xuddunta u ah diinta Islaamka, iyo meesha meesha uu ku yaalo masaajidka barakaysan ee Kacbada"
- ↑ "qaraabada iyo qoyska Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee loo yaqaano "Shariifis"ka"
- ↑ "Abraj al Beyt oo ah dhismaha 3aad ee ugu dheer dunida iyo kan ugu weyn baaxada fadhi ee dunida"
- ↑ The Center of Islam, Ahmed Husein, History of Islamic Empire:From the beginning to the present day, Vol. IV, ed. M.A. Al-Bakhit, L. Bazin and A.Husein, (Islamic Study, 2008), 1190.[1]