Tigris
Coordinates: 38°29′0″N 39°25′0″E / 38.48333°N 39.41667°E Tigris
Webiga Tigris | |
---|---|
Harada uu ka soo bilaabmo 100 km ka dib, wabiga Tigris wuxuu dhex maraa Diyarbakir, wadanka Turkiga. | |
Maabka labada webi Tigris iyo Furaat ee Mesobotaamiya ku dhex taalo. | |
Wadanada | Ciraaq, Suuriya, Turkiga |
Deegaanada uu soo dhex maro: | Batman, Garzan, Botan, Khabur, Zab, Zabta hoose, iyo 'Adhaim |
Magaalooyinka u dhex maro: | Diyarbakır, Mosul iyo Baqdaad |
Isha uu ka soo bilabmo: | Harta Hazar |
Area | 1,850 km2 (710 sq mi) |
• Land | 375,000 km2 (145,000 sq mi) |
Aag saacadeed | UTC+2 (UTC) |
Isku celcelis: 1,014 m3/s (35,809 cu ft/s) |
Tigris waa wabi dhererkiisu yahay 1,850 km kaas oo ka soo bilaabma buuraha Taurus ee bariga wadanka Turkiga; qiyaastii 25 km koonfurbari magaalada Elazig, iyo 30 km ka hor meesha uu ka soo bilaabmo webiga Furaat.
Wabiga Tigris oo ka soo bilaabma harada Hazar ee ku dhextaala buuraha Taurus ayaa 400 km soo dhex mara dalka Turkiga, ka dib 44 km dhex mara wadanka Suuriya una sii gudba wadanka Ciraaq oo uu kula midoobo wabiga Furaat meel u dhow magaalada Basra.
Webiga Tigris iyo webiga Furaat waxay mid ka yihiin deegaanada loo yaqaano Mesobotaamiya oo ah meeshii ay ilbaxnimada aadamuhu ka bilaabantey.
Si guud loogu aqoonsaday ineey tahay meeshii ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka - Mesobotaamiya waxaa ka dhex bilaabmay boqortooyooyin aad u badan oo kuwa ugu caansanaa ee deegaano badan gaadhay ka mid yihiin: boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka; kuwaas oo dhamaantood laga helo maanta wadanka Ciraaq, meelo yaryar oo ka mid ah waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.[1][2]
Qorniinka Quduuska ah waxay inoo sheegaan inay webiyada la yiraahdo Yufraad iyo Tigris (Xiddeqel) ay ka yimaaddeen Ceeden. Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay.
Qoraalo La Mid Ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Xigasho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka"
- ↑ "boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka;"